U bood dhigaalka

Maxamed Cabdi Afey oo sheegay in Kenya ay dano gaar ah kalahayn Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Sida uu qoray war-geyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya, Wakiilka gaarka ah ee urur goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afey, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in Kenya ay dano gaar ah ka leedahay dhismaha maamulka goboleedka Jubba.

Wakiilka IGAD oo laga wareystay shirka dib-u-heshiisiinta beelaha dega Gedo iyo Jubbooyinka ayaa sheegay in dhismaha maamulka Jubba uu ka mid yahay maamullada waafaqsan arrimaha federaalka ee ay dowladda Soomaaliya ka hirgelinayso gobollada Soomaaliya. Isaga oo xusay in waxa Kenya lagu tuhmaayo ay yihiin wax aan sal iyo raad laheyn, ayna ka dambeeyaan dad aan dooneynin nabad ka dhalata Soomaaliya.

Dadka ku nool gobolladaas ayaa doonaya in ay dhistaan maamul, Urur goboleedka IGAD waa uu ugu hambalyaynayo in dadku ay qaataan nabadda iyo in ay xoojiyaan maamulka..,Ayuu yiri Danjire Afey.

Afey ayaa sidoo kale xusay kaalinta IGAD ay ka qaadatay in ay hubka ay dhigaan ciidankii uu watay Col.Barre Aadan Shire (Hiiraale), isla markaana ay ku qanciyeen in ay ka qeyb galaan geedi socodka nabadda iyo shirka dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka, si looga hortago dagaallo ay markale dhiig badan ku daataan.

Dhismaha maamulka Jubba waxaa uu tusaale u noqon doona maamullo dadku ay ku midaysan yihiin oo ay yeeshaan gobollada kale ee dalka si ay uga qeyb noqdaan hirgelinta nidaamka federalism-ka, Ayuu raaciyey danjire Afey.