U bood dhigaalka

Maxamed Cabdi Kaliil “Heshiiskii Doolow Wuu Burburay”

Sheeko:Dalka

Gudoomiyahii gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in uu burburay heshiiskii shalay ka dhacay degmada Doolow oo isaga iyo siyaasiyiin kale la galeen maamulka Jubbaland.

Kaliil ayaa sababta burburka heshiiskaasi waxa uu ku sheegay in ay ka dambeysay ka dib markii isaga xil ka qaadis lagu sameeyay, waxaana uu tilmaamay in sababta heshiiska burburay uu mas’uul ka yahay Axmed Madoobe.

“Shan qodob ayaa ku heshiinnay, hase ahaatee markii shirka dhamaaday 10-daqiiqo ka dib waxa uu Axmed Madoobe soo saaray warqad uu sheegayo in aniga uu xilkii iiga qaaday, waana qiyaano qaran” ayuu yiri Kaliil.

Mr Kaliil ayaa dhinaca kale sheegay in isaga iyo siyaasiyiintii wada hadalka la gashay Axmed Madoobe ay goor dhaw si wadajir ah usoo saari doonaan bayaan cad oo ku aadan inay ka baxeen heshiiskii Doolow.

Ugu dambeyn Kaliil ayaa ugu baaqay in IGAD iyo dowladda Itoobiya ay cadeeyaan mowqifkooda ku aadan xil ka qaadistiisa iyo heshiiskaan uu sheegay in uu burburiyay maadaama howlaha socday ay gar wadeen ka ahaayeen.

Shalay ayaa degmada Doolow ee gobalka Gedo, waxaa lagu kala saxiixday heshiis dhowr qodob ka kooban, kaasi oo u dhaxeeyay siyaasiyiinta gobalka Gedo iyo maamulka Jubbaland.

Goobjoog News