U bood dhigaalka

Maxamed Cabdi Kaliil Oo Maamul Cusub u Magacaabay Degmada Baardheere

Sheeko:Dalka

Gudoomiyahii gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ee dhawaan laga soo eryay degmada Doolow ayaa dib ugu laabtay gobalka Gedo, gaar ahaan degmada Ceel-waaq, halkaasi oo kasoo saaray wareegto uu ku magacaabayo maamul cusub.

Waxa uu magacaabay gudoomiyaha Baardheree, ku xigeenadiisa iyo taliyaha ciidamada Nabad sugidda.

Wareegtada ayuu ku sheegay Mr Kaliil in dhismaha maamulkaan uu wadatashi kala sameeyay wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka.

Xubnaha La Magacaabay iyo Xilalkooda

  • Gudoomiyaha degmada Baardheere ayaa loo magacaabay Ismaaciil Sheekh Cabdi Qodax.
  • Guddoomiye xigeen waxaa loo magacaabay Cadow Nuur Xasan
  • Madaxa Maaliyadda ayaa loo magacaabay Raage Axmed Maxamed
  • Madaxa arrimaha bulshada Maxamed Ibraahim Faradheere
  • Taliyaha booliska Baardheere ayaa loo magacaabay Xuseen Muxamed Caato
  • Madaxa mashaariicda iyo hay’adaha ayaa loo magacaabay Xuseen Cabdulle Magan
  • Taliyaha Nabad sugidda degmada Baardheere Yaasiin Barre Xasan
  • Taliye xigeenka Nabad sugiddana waxaa loo magacaabay C/laahi Maxamed Warsame

 

Tani ayaa imaanaysa xilli madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu xilkii ka qaaday Gudoomiye Maxamed Cabdi Kaliil, islamarkaana isaga iyo siyaasiyiin kale laga soo eryay degmada Doolow oo Sideed Cisho Xabsi guri ku ahaayeen.

Goobjoog News