U bood dhigaalka

Maxamed Cabdi Kaliil Oo Maamul u Cusub u Magacaabay Degmada Garbahaarey

Sheeko:Dalka

Gudoomiyahii hore ee gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo dhawaan xilka laga qaaday ayaa maamul cusub u magacaabay degmada Garbahaarey ee gobalka Gedo.

Wada hadal maamulka Jubbaland uu la galay gudoomiyahii isna xilka laga qaaday Iimaan Cadow Kaarshe, ayaa lagu qanciyay in meesha uu baneeyo, hase ahaatee Kaliil oo isna weli ku adkeysanaya inuu yahay gudoomiye ayaa xil cusub magacaabay.

Kaliil oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in xilka gudoomiyaha degmada Garbahaarey u magacaabay C/laahi Sheekh Faarax, islamarkaana uu kusoo magacaabay waddo sharci ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Gudoomiye Iimaan Cadow markii sabab la’aan uu isku casilay waxaa waajib naga saaran inaan soo magacawno maamul cusub, C/laahi Sheekh Faarax ayaa ah gudoomiyaha cusub ee degmada Garbahaarey, waxaana magacaabistaan nala joogay xildhibaan qaran Magan, siyaasiyiin iyo Odayaasha dhaqanka” ayuu yiri Kaliil

Dhinaca kale Gudoomiye Hore Kaliil ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay wax ka ogtahay maamulkaan uu magacaabay iyo sidoo kale wax walba oo ka socda degmada Garbahaarey.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa degmada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo waxaa ka soconayay muran siyaasadeed xooggan, ka dib markii xilka laga qaaday gudoomiyayaashii gobalka Gedo iyo midka degmada Garbahaarey, iyadoo weli aanu jirin xal muuqda oo laga gaaray is qabqabsigaasi.

Goobjoog News