U bood dhigaalka

Maxamed Cabdi Waare Oo Loo Doortay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle

Sheeko:Dalka

Waxaa lasoo gabagabeeyay doorashada madaxweynaha Hirshabelle,  iyadoo xildhibaannada baarlamaanka ay madaxweyne u doorteen Maxamed Cabdi Waare.

Doorashada oo ahayd mid adag ayaa gaartay illaa Wareegga Seddaxaad, waxaana wareegaasi isugu soo haray Maxamed Cabdi Waare oo helay 75 cod iyo sidoo  kale Daahir Cabdulle Cawaale oo isna helay 22 cod.

Guddoonka baarlamaanka Hirshabelle ayaa ku dhowaaqay natiijada, iyadoo durba ay bilaabatay u hambalyeenta madaxweynaha cusub ee Hirshabelle.

14-kii August 2017, xildhibaannada Hirshabelle ayaa xilkii ka qaaday Cali Cabdullaahi Cosoble, kadib markii ay ku eedeeyeen inaanu waajibaadkiisa gudan.

Goobjoog News