U bood dhigaalka

Maxamed Cabdiqaadir “Waxaan Diyaar U Ahay Qabashada  Macallimino Ee Xulka Qaranka ”

Sheeko:Cayaaraha

Maxamed Cabdiqaadir Sheekhdoon oo ah aas aasaha iyo layliyaha naadiga kubbadda cagta Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden ayaa Goobjoog u sheegay in uu soo dhawaynayo hadii loogu yeero shaqada hogaaminta Xulka Soomaaliya.

“Aniga waan bartay xirfadan,balse waxaa dalka joogo macallimiin iga qibrad badan oo mudo ku soo jiray ka shaqeynta mashruuca Xulka aniga oo ka faa’ideenayso waqtigooda ayaa waxaan diyaar in aan ka qaato waayi aragnimo,si aan wax ugu biiriyo” ayuu Macallin Maxamed ugu waramay Goobjoog Sports.

Intii uu hogaaminayay Som United tan iyo sanadii 2011 waxa ay kooxda gaartay guulo waaweyn oo dhinaca ka qeyb galka tartamada Sweden wuxuuna intaa hadalkiisa sii raaciyay in ay doonayaan in ay maqaam sare ka gaaraan ciyaaraha Wadanka Sweden.

“Waxaan gaarnay guulo waaweyn sanadihii lasoo dhaafay waxaan kor u qaadnay magaca Soomaaliya,sababto waxaana nahay naadiga kaliya ee ka ciyaarta Sweden,yoolkeena waa in aan tiigsanaa kaalama hore ee kubadda cagta dalkeena labaad” ayuu Goobjoog Sports u sheegay tababare Maxamed Cabdiqaadir.

Maxamed ayaa ah nin dhallinyaro ah sanadihii lasoo dhaafay maamulayay koox Soomaaliyeed oo ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee Sweden wuxuuna iminka haystaa shahaadooyin badan oo cadaynaya heerka uu ka gaaray xirafada tababarnino.

“Waxaan diyaar u ahay in aan aqoonta iyo waqtigayga ku biiriyo da’daalka lagu horomarinayo guulaha Xulka Qaranka waxaan jeclahay in wixii aan bartay aan ugu faa’ideeyo da’yarta soo koraysa ee hamiga ka leh u dheelista Qaranka Soomaaliya” ayuu Goobjoog  u sheegay tababare Maxamed.

Si kastaba saaxiibada iyo bahda kubbadda cagta dibadda iyo gudaha dalka ayaa tababare Maxamed Sheekdoon ku bogaadiyay go’aankiisa qabashada iyo maamulida Xulka Qaranka Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo Waraysi Uu Macallin Maxamed Siiyay Goobjoog News

https://www.facebook.com/GoobjoogNewsTV/videos/671456187036472/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle