U bood dhigaalka

Maxamed Cumar Carte “Waxaa Loo Baahanyahay Dib U Habeyn Maareynta Maaliyadda”

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carte ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay gudiga kormeerka Maareynta Maaliyada Dowladda oo ka kooban Wasiirka Maaliyadda, Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Xafiiska RW, Gudoomiyaha Bangiga Dhexe, La Taliyeyaasha Maaliyadda, Xiriiriyaha Maamulka Maaliyadda, Hanti Dhowrka Guud, iyo Xeer Ilaalinta Qaranka.

Gudigaan ayaa  shaqadiisu tahay inuu kormeero habsami u socodka nidaamka Maareynta Maaliyadda Dowladda, wuxuuna gudigu jihaynayaa shaqada Maareeynta Maaliyadda.

“Maareynta Maaliyadda Dowladda waa qaab cusub oo la doonayo in dib-u-habayn loogu sameeyo Maareeynta Maaliyada Dalka, waana nidaam waxtar u leh in la helo isla xisaabtan dhab ah. Nidaamka Maareynta Maaliyadda wuxuu ka turjumayaa higsiga dowladda ee 2016, oo ah in dalka la gaarsiiyo hufnaan iyo isla xisaabtan dhanka maaliyadda ah” ayuu yiri RW ku xigeenka.

Dhanka RW ku xigeenka ayaa sheegay  in barnaamijka Maareeynta Maaliyada uu leeyaha barnaamij xisaabeedka “FMIS” oo lagu diwaan galinayo habka uu u soo xaroodo dakhliga iyo kharashka ka baxa dowladda. “FMIS hada ayuu ka dhaqan galay Wasaarada Maaliyadda, Bangiga Dhexe, Xisaabyaha Guud, Dekeda Muqdisho, iyo Garoonka Diyaaradaha Aden Cade”

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddu ay awooda saarayso in sanadkaan dhamaadkiisa wasaaradaha dowladda laga hirgalinayo nidaamkaan, waxaana tababaro la siinayaa shaqaalaha la doonayo iney ku shaqeeyaan nidaamkan cusub, “Waxaa kale oo aan soo jeedinayaa  in shirka danbe ay ka soo qaybgalaan Wasaarada Gaadiidka iyo Wasaarada Dekedaha, maadaama ay Dekeddaha iyo Garoomada Diyaaradaha hoos yimaadaan labadaas wasaaaradood” ayuu yiri markale RW ku xigeenku.

Wasiirka Maaliyadda oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijkan (MMD) uu yahay mid loogu talagalay inuu xoojiyo dakhliga dowlada iyo sida loo maamulo kharashka soo gala iyo kan baxaya. “Isticmaalka nidaamkan wuxuu xoojinayaa in kor loo qaado canshuuraha bariga oo dakhli badan ka soo xaroodo, wuxuuna isku xirayaa baraha canshuuraha lagu qaado iyo Wasaaradda Maaliyadda” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Fergeeti.