U bood dhigaalka

Maxamed Geeddi “Hoggaanka Ciidanka Haloo Dhiibo Dad Qibrad u Leh”

Sheeko:Amniga

Aqoonyahan ka faalooda arrimaha amniga, laguna magacaabo C/laahi Maxamed Geeddi ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in isbedallada lagu sameeyey ciidamada amniga ahayd in laga soo bilaabo dhanka hoggaanka.

Waxa uu tilmaamay in muhiim ay tahay in hoggaanka ciidanka loo dhiibo xubno khibrad u leh arrimahaasi si loogu guuleysto qorshaha guud ee amniga.

Sidoo kale, Aqoonyahan Geeddi ayaa tilmaamay in tallabada dowladda u qaadday arrinta NISA ee gobolka Banaadir tahay midda ugu wanaagsan ee la aqoon jiray, ciidamada Nabad sugiddana ahaayeen kuwo aan muuqooda la aqoon.

“Ciidamada Nabad sugidda ee Booliiska ee loo bedalay waa wax wanaagsan, nabad sugidda in dhar cad ay noqoto waa nidaam” ayuu yiri Geeddi.

Sidoo kale, Maxamed Geeddi ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay in askariga ay shaqada u dhiibeyso ay wax walbo oo noloshiisa ah u dhammeystirto si shaqadiisa ugu guro si feker la’aan ah.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News