U bood dhigaalka

Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye)

Sheeko:War

Mudan Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa loo magacaabey Hanti Dhowraha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 3di Agoosto, 2017.

Mudane Maxamed ayaa ah aqoon yahan leh in ka badan shan iyo toban sano oo khibrad maamul dowladeed iyo ganacsiba, kana soo shaqeeyey maamulka dhanka xisaabaadka, hantidhowrka, qorsheynta qaranka, maamulidda qandaraasyada.

Mudane Maxamed wuxuu jagooyin sare ka soo qabtey dowladda hoose ee Washington, D.C. ee d Mudan Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa loo magacaabey Hanti Dhowraha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 3di Agoosto, 2017.alka Mareykanka. Wuxuu kaloo ka soo shaqeeyey shirkadaha ganacsiga, gaar ahaan isgaarsiinta isagoo door ka ciyaarey isku biiridda labo shirkadood oo waaweyn oo lahaa hanti lagu qiimeeyey $70 Billion. Dr. Maxamed wuxuu kaloo aasaase iyo madax u ahaa hay’adda lagu magacaabo Somalia Forward Foundation (SFF) oo ah hay’ad ka shaqeysa la talinta dowladaha, shirkadaha iyo hay’adaha daneeya horumarka iyo dib u dhiska Soomaliya.

Mudane Maxamed wuxuu ka heystaa Master of Business Administration University of Maryland University College, Graduate School of Management and Technology.  Wuxuu kaloo ka heystaa Bachelor of Science Accounting iyo Management Information Systems George Mason University ee dalka Mareykanka.