U bood dhigaalka

Maxamed Mursal Oo La Wareegay Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Sheeko:Dalka

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xaflad goordhow lagu qabtay Villa Hargeisa waxaa uu wareejiyay xilka guddoomiyaha golaha shacabka.

Abuukaate Jawaari oo goobta xil wareejinta ka hadlay ayaa sheegay in aanu jirin dastuur la xaday isla markaana uu nuqulka dastuurka ku wareejiyay guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

April 30, 2018 ayaa waxaa ay golaha shacabka guddoomiye cusub u doorteen Maxamed Mursal Sheekh isaga oo lagu wado in maanta laga bilaabo uu guda-galo sidii loo soo celin lahaa shaqada golaha shacabka oo istaagtay hal kulan kadib kalfadhigan 3aad.

Goobjoog News