U bood dhigaalka

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Oo Loo Doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa guddoomiyahooda cusub waxay u doorteen xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha shacabka, C/weli Sheekh Muudey ayaa ku dhowaaqay natiijada:

  • Ibraahim Isaaq Yarow waxa uu helay 118 cod
  • Maxamed Mursal Sheekh oo helay 147 Cod

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa uu ku dhashay Baydhabo 1957, waxbarashada dugsiga sare waxaa uu ku qaatay Sheekh Aweys ee Baydhabo isaga oo cilimiga bulshada ka bartay Jaamacadda culuumta iyo Tiknoljiyadda ee Yemen 2014kii.

Todobaadkii hore waxaa uu iska casilay wasiirka gashaandhigga, waxaa kale uu horay u soo noqday wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha, Safiirka Soomaaliya ee Turkiga, wasiirka hantida qaranka iyo qalabeynta, waxaa uu Xildhibaan ahaa 2009-2011-kii isaga oo dib u soo noqday baarlamaanka 10aad.

Goobjoog News