U bood dhigaalka

Maxamed Mursal Sheekh

Sheeko:Dalka

Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre ayaa bishan November 26-keeda waxaa uu wasiirka gashaandhigga jamhuuriyadda federaalka ah u magacaabay Danjire Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa taariikh nololeedka wasiirka cusub ee gashaandhigga.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa uu ku dhashay magaalada Baydhabo 1957-dii,  isla magaaladaas ayuu ku qaatay waxbarashadiisa illaa dugsi sare isaga oo ka baxay dugsiga Sheekh Aweys, Baydhabo qeybta adabka.

2014:   Jaamacadda Culuum iyo Tecknolojiyada ee  Sanca, Yemen waxaa uu ka dhameeyay cilmiga Arrimaha bulshada .

Hadda waxaa culuumta Xiriirka caalamiga iyo dilbloosiyada ka dhigtaa Jaamacad ku taalo dalka Uganda.

Shaqooyin:

1993-95: Guddoomiye ku xigeen magaalada Baydhabo.

2000 wixii ka dambeeyay waxaa uu ku howlanaa arrimaha banii’aadnimada, waxyaabaha uu qabtay waxaa ka mid ahaa isaga oo aasaasay Wabiyow Community development association: Alqamar Tecknology Center ayuu halkaasi ka hirgeliyay oo markii ugu horeysana Technology-geliyay  dadka reer Baydhabana baray,  ku sameeyay dayactir biyo mareen-ka iyo tubooyinka  Baydhabo 2001kii, Masaajidyada uu biyo geliyay iyo arrimo kale.

2009: Xildhibaan ayuu ka noqday dowladdii TFG isaga oo isla sanadkaas xukuumaddii Cumar Cabdirashid ka noqday Wasiir hantida qaranka.

2012: Waxaa loo magacaabay Safiirka Turkiga, isaga oo wax badan ka qabtay dhismaha iyo qaabeynta safaaradda muddo 3 sano ayuu jagadaasi hayey.

2015: Mar kale, Xukuumadda Cumar Cabdirashid ayaa loo magacaabay Wasaaradda Tamar iyo Biyaha

2016: Waxaa Baydhabo loogu doortay in uu ka mid noqdo Xildhibaannada golaha shacabaka

November 26, 2017: Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa u magacaabay wasiirka gashaandhigga.

Goobjoog News