U bood dhigaalka

Maxamed Nuur Oo Lagu Xukumay 12 Sano Oo Xabsi Ah

Sheeko:Dalka

Maxkamad ku taalla magaalada Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa xukun ku riddey askari Soomaali Maraykan ah, kaasi oo ku eedeysnaa dilka haweeney.

Maxamed Nuur ayaa aad isu difaacay, halka qareenkiisu uu codsaday in aan xukun lagu ridin, balse la kor joogteeyo oo kaliya.

Ugu dambeyn, garsooraha maxkamadda ayaa ku dhowaaqay in Maxamed lagu riday xukunka xabsi ah oo dhan 12-sano iyo bar.

Durba Soomaalida ku dhaqan Minnesota ayaa walaac xooggan ka muujiyey xukunkaasi, waxaana ay sheegeen iney dareemayaan cadaalad darro baahsan.

Waxay sheegeen in Maxamed aanu xukunkaasi mudneyn, uuna noqonayo askarigii ugu horreeyey ee xukun sidan ah lagu rido magaalada Minnesota.

Maxamed ayaa sanadkii 2017-kii si kedis ah ku dilay Justine Damon doo u dhalatay dalka Australia.

Goobjoog News