U bood dhigaalka

Maxamed Sh. Cismaan Jawaari

Sheeko:War

Abuukaate Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo ahaa guddoomiyaha golaha shacabka ayaa la sheegay in uu maanta iska casilay xilkaasi kadib markii cadaadis la saaray, 5tii sano ee ugu dambeysay waxaa uu ahaa guddoomiyaha golaha shacabka.

Hadaba, Halkan Ka Akhris, Taariikhda Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari

Abuukaate Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, waxaa uu  dhashay 1945, wuxuuna ku dhashay degmada Afgooye, wuxuu registration ka qaaday degmada Buurhakaba, wuxuu ka baxay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, waa Khabiir taqasusyo badan soo sameeyay xagga shareecada Islaamka iyo law-ga ‘comprehensive Law’ waa nin ka soo shaqeeyay dhowr  sharci iyo dastuurkan ugu dambeeyay.

1962: Jawaari waxaa uu shaqo ka bilaabey Macalinnimo, isagoo muddo ku dhexjiray arrimaha shaqada iyo shaqaalaha.

Abuukaate Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, waxaa uu dowladihii 1990-kii ka horeeyay ka noqdey agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha, wasiir ku xigeen iyo Xildhibaan, waxaa kaloo wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka ka noqdey wasiir.

1990:  Wasaradda iyo arrimaha bulshada ayuu sidoo kale, wasiir ka noqdey, waxaa uu muddo ku noolaa Norwey ilaa markii dambe uu dalka ku soo noqdo lataliyena u noqdo qaramada midoobey.

2007-2016: Xafiiska qaramada midoobey arrimaha Soomaaliya lataliye xagga dastuurka, guddoomiyaha guddiga khubarada dastuurka qabyo-qoraalka ah.

Taariikhdu marka ay aheyd 28-08-2012-kii  waxaa loo doortey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya jagadaas uu hayey ilaa 2016-kii. 

mar kale, Baarlamaanka 10aad ayaa  loo doortay guddoomiyaha golaha shacabka jagadaasi uu hayey ilaa maanta is-casilo.