U bood dhigaalka

Sh. Maxamed Shaakir: Waxaan Xad La Leennahay Puntland Iyo Koonfur Galbeed, Galmudug Kuma Biireyno, Hubna Ma Wareeji Doonno.

Sheeko:Dalka

Hoggaamiyaha maamul-ka gobollada dhexe Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Goobjoog News ku sheegay in maamulkiisa uu ka taliyo gobollada Mudug, Galgaduug iyo Hiiraan, isagoo intaa raaciyay in aanay aqoonsaneen maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle, oo xadka maamulkiisa uu yahay Puntland illaa Koofur Galbeed.

Maxamed Shaakir waxaan weydiinnay in maamulkiisa uu yahay hal jufo oo deggan magaalooyinka Dhuusamareeb Iyo Guriceel, arrintaas waxaa uu tilmaamay mid ay saxaafadda abuurtay, waxaa uu tusaale u soo qaatay shaqaale gacan yare u ahaa oo la joogay oo uu sheegay in ay Xildhibaanno ka yihiin maamulkiisa, beelo kalana ay ka soo jeedaan.

“ Waxaan lacag ka helnaa shacabka taageersan xoreynta Ahlu Sunna, Maamulkeenna waxaa ku mideysan oo taageersan Galmudug, Alhu-sunna Iyo Ximin Iyo Xeeb, waana maamul ay ku jiraan dhammaan beelaha dega Mudug, Galguud iyo Hiiraan” sidaa waxaa yiri Shaakir.

Mar aan weydiinay tirada ciidanka maamulka gobollada, waxaa uu Shaakir diiday in uu sheego tirada saxda ah laakin waxaa uu soo qaatay in ay heystaan tiro ku fillan in ay uga taliyaan 3 gobol, Al-shabaabna ay uga adkaadeen, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Mr. Shaakir waxaa uu madaxweyinihii hore  ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ku dhaliilay in uu Galmudug ka dhisay maamul aanu shacabka deegaanka raalli ka aheyn, keensaday qolo uu isaga-Xasan Sheekh-raalli ka yahay isla markaana uu dastuurka meel uga dhacay mar haddii uu ogolaaday in maamulka laga dhigo hal gobol iyo bar.

Hoggaamiyaha maamulka gobollada dhexe, waxaa uu Goobjoog News u sheegay in ay dhammaatay cabashadii ay ka qabeen maamulka Xasan Sheekh oo hadda ay diyaar u yihiin in ay bog cusub la furaan dowladda federaalka ah, kulan uu la yeeshay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu sheegay in looga hadlay sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen nabadgelyada gobollada dhexe iyo la dagaalanka Al-shabaab, isagoo intaa raaciyay in Famaajo aanu kala hadlin Galmudug, waxaa kaloo uu meesha ka saaray hub dhigis kooxdiisa ah, waxaa uu qabaa in Ahlu-Sunna ay la mid tahay maamullada dalka ka jira, hubkoodana aan laga hadli Karin.

Mar aan Maxamed Shaakir wax ka weydiinay hey’adaha gargaarka ah dhibaatada loo geysto waxaa uu sheegay in arrinkaas uu ahaa mid lagu xumeyn jiray Xasan Sheekh, hadana ay arrinta caadi tahay oo hey’adaha ay umadda gaarsiin karaan wixii gargaar ah.

Shaakir waxaa uu qabaa in Ahlu-sunna ay ixtiraamto joogitaan Itoobiya ee gudaha Soomaaliya, xiriirka ay la leeyihiinna ay la midda  tahay midd Itoobiya ay la leedahay dowladda federaalka ah, waxaa kaloo uu sheegay in uu jiro xiriir iyaga iyo Puntland ah.

Waa Kuma Sheekh Maxamed Shaakir:

Maxamed Shaakir Cali Xasan waxaa uu ku dhashay Dhuusamareeb 1974-tii, waxbarashada aasaasiga ah waxaa uu ku qaatay dugsiga Ma’muun, waxaa uu heystaa Shahaadooyinka kala duwan waxaa ka mid ah: Diploma oo ka qaatay Culuum Xadiis ee Sanca, Jaamacadda Axqaaf oo uu ka qaatay shahaadada Jaamacadda heer koowaad iyo labaad, isagoo bartay Shareecada iyo Qaanuunka iyo cilmiga Siyaasadda, waxaa uu hadda wadaa shahaadada Dektoorada uu ka diyaarinayo cilmiga siyaasadda isla Jaamacadda Axqaaf.

Horay waxaa uu Ahlu-sunna u ahaa wasiir ku xigeenka waxbarashada, ku simaha guddoomiyaha golaha fulinta, muddo hadda 2 sano ah waxaa uu madax ka yahay maamulka la magacbaxay gobollada dhexe.

k

 

17035916_10211355595101779_984882392_o

Goobjoog News