U bood dhigaalka

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari

Sheeko:War

Arbacadii 11-kii bishan, waxaa guddomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah loo doortey Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waa markii 2aad ee uu jagadaasi qabto, oo horey ayuu 4 sano u hayey.

Taariikhda Guddoomiyaha Golaha Shacabka: Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari:

Abuukaate Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, waxaa uu  dhashay 1945, wuxuuna ku dhashay degmada Afgooye, wuxuu registration ka qaaday degmada Buurhakaba, wuxuu ka baxay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, waa Khabiir taqasusyo badan soo sameeyay xagga shareecada Islaamka iyo law-ga ‘comprehensive Law’ waa nin ka soo shaqeeyay dhowr  sharci iyo dastuurkan ugu dambeeyay.

1962: Jawaari waxaa uu shaqo ka bilaabey Macalinnimo, isagoo muddo ku dhexjiray arrimaha shaqada iyo shaqaalaha.

Abuukaate Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, waxaa uu dowladihii 1990-kii ka horeeyay ka noqdey agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha, wasiir ku xigeen iyo Xildhibaan, waxaa kaloo wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka ka noqdey wasiir.

1990:  Wasaradda iyo arrimaha bulshada ayuu sidoo kale, wasiir ka noqdey, waxaa uu muddo ku noolaa Norwey ilaa markii dambe uu dalka ku soo noqdo lataliyena u noqdo qaramada midoobey.

2007-2016: Xafiiska qaramada midoobey arrimaha Soomaaliya lataliye xagga dastuurka, guddoomiyaha guddiga khubarada dastuurka qabyo-qoraalka ah.

2012: Taariikhdu marka ay aheyd 28-08-2012-kii  waxaa loo doortey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya jagadaas uu hayey ilaa 2016-kii. 

January 11, 2017: Waxaa mar kale loo doortey guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya