U bood dhigaalka

Maxamed Sheekh “Wasiir Xamse Saciid Wuxuu Ku Soo Aaday Xili Loo Baahnaa”

Sheeko:Cayaaraha

Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa xidighii hore kubbadda Kolayga Soomaaliya,daraje sarane ka gaaray xirfada kolayga ayaa soo dhaweeyay una hambalyeeyay Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya mudana Xamse Saciid Xamse,isagoo sheegay in loo baahnaa in xili horay loo magacaabo jagaddan,maadama Xamsa Saciid uu horay ugu soo ciyaaray Xulka Qaranka iyo kooxda Dekedda.

“Waan wada hadlnay Wasiir Xamse waxaan ugu hambalyeeyay xilka loo magaacabay,waxaana ka wada sheekaysanay xaalada guud ee isboortiga dalka,isagoo ii sheegay in uu soo dhawaynayo qof kasto oo rabo in uu ka qeyb qaato horomarka ciyaaraha dalka” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan.

Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo macallin u soo noqday Xulalka kubbadda Koalyga Wadamada Qatar iyo Kenya ayaa Goobjoog u sheegay in uu Soomaaliya u haayo fursado badan oo xaga horomarinta Kubbadda Kolayga waxaana howshan ku farxay Wasiirka Ciyaaraha & Dhalinyarada Soomaaliya mudane Xamse Saciid.

“Waxaan Wasiir Xamsa u sheegay lana wadaagay fursado badan aan u haayo kobcinta Kubbadda Kolayga Soomaaliya,Wasiir Xamse wuu soo dhaweeyay dhamaan waxyaabihii aan kawada hadalnay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay laacibkii hore Soomaaliya Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan

Daawo Hadal Jeedintii Xil Wareejinta Wasiir Xamsa Ee Wasaarada Ciyaaraha

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/xamsa-saciid-xamsa-isboortiga-malahan-shaqsiyaad-gaar-ah/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle