U bood dhigaalka

Maxamed Xuseen Rooble oo Fariintiisii Ugu Horeysay u Diray Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Maxamed Xuseen Rooble oo dhowaan loo magacaabay xilka Ra’iisulwasaaraha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faariintiisii ugu horaysay diray tan iyo markii  lagu dhawaaqay sedex cisho ka hor, oo digreeto uu ku soo saaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisulwasaare Rooble ayaa fariintiisi waxaa si gooni ah ugu jeeday golaha shacabka ” Waxaa farxad ii ah inaan idiin la wadaago si sharaf iyo dareen mas’uuliyadeed leh,  kalsoonidii uu isiiyey madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sidaas darteed waxaan doonayaa inaan codka kalsoonida ah weydiiso golaha shacabka oo aan rajaynayo in ay isiin doonaan codka kalsoonida si aan u guto waajibaadka la ii idmaday”ayuu yiri Ra’iisalwasaaha cusub.

Warar hoose oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ra’iisulwasaare Roooble maalinimada barrito oo isniin ah la horgeyn doono  golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka , si ay ugu qaadaan codka kalsoonida ah, waxaana Muqdisho saacadii tagay ka socday kulamo gaar gaar ah uu Rooble la lahaa Xildhibaannada golaha shacabka.

Goobjoog News