U bood dhigaalka

Maxamuud Cabaas Oo Xaaladdiisa Caafimaad Ay Soo Hagaageyso

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiin ayaa sheegay in Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas la dhigay Isbitaal si looga daaweeyo oof wareer soo wajahay, balse xaaladdiisa ayaa ah mid hadda soo wanaagsanaaneyso.

Maxamuud Cabaas ayaa la dhigay Isbitaal ku yaallo Magaalda Raamullah ka dib markii uu qabtay xanuunka, waxaa uuna qaadanayaa daawooyin, Cabaas oo 82 sano jir ah ayaa la sheegayaa in xaaladdiisa ay soo wanaagsanaaneyso.

Warbaahinta Falastiin ayaa sheegtay in Cabaas uu dhowr maalin joogi dooni Isbitaalka si looga daaweeyo dheg xanuun haya waxaana qalliin looga sameyn doonaa dhegta.

Goobjoog News