U bood dhigaalka

Maxamuud Cabbas: Kama Ogalaaneyno Dowlad In Ay Safaaraddeeda U Soo Rarto Qudus Iyada Oo Aan Xal Laga Gaarin

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbas ayaa sheegay in hoggaanka Falastiin uusan u ogolaaneynin dowlad in Safaaraddeeda ay u soo rarto magaalada Qudus iyada oo aan laga gaarin wax xal ah.

Maxamuud Cabbas ayaa carabka ku adkeeyay arrintani, isaga oo tilmaamay in madaxweyne Trump aysan u ogolaan doonin in uu dhaho Qudus waa caasimadda Israel waxaa uu yiri.

“Waxaan la dagaali doonnaa go’aanka madaxweyne Trump uma ogo laaneyno dowlad in Safaaraddeeda ay u soo rarto Qudus iyada oo aan xal laga gaarin arrinta Falastiin iyo Israel”.

Cabbas ayaa sheegay in xalka uu ku jiro in Qudusta bari loo aqoonsado caasimadda Falastiin, halka Qudusta galbeed iyadana loo aqoonsado Israel.

Hadalka madaxweyne Cabbas ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, xilli madaxweynaha Mareykanka 6 December 2017 uu u aqoonsaday Qudus in ay tahay caasimadda Israel uuna  bisha May ee soo socota uu u rari doono safaaradda Mareykanka ee TelAviv Qudus.

Goobjoog News