U bood dhigaalka

Maxamuud Sayid Aadan “DFS Haddii Aysan Soo Deyn Wasiir Janan Cawaaqib Xun Baa Ka Dhalanaya”

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in si shuruud la’aan ah kusii deyso wasiirka wasaaradda amniga maamulkaasi, C/rashiid Janan oo ku xiran magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Sayid Aadan in Jubbaland ay leedahay maxkamado kala sarreeya, cid walbo oo Jubbaland ah misane wax tabaneysa ay ka dacwoon karto.

Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sheegay in haddii dowladda federaalka aanay soo deyn Wasiir Janan ay ka dhalan karto kala qeybsanaan, niyad xumo iyo sidoo kale cawaaqib xumo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Jubbaland waa State ay hay’adihii garsoorka dhan ay u dhan yihiin, maxkamado leh, ciida reer Jubbaland ee waxtabaneysa haddii ay jirto waxay xaq u leeyihiin in maxkamada Jubbaland ka dacwoodaan, taas oo maalin walbo ay dhacdo..haddii ay jirto cid cabasho qabto waxaa haboon in maxkamadaha Jubbaland ka dacwoodaan, dowladda Federaalka ay wasiirka iyo mas’uulka kale ee halkaasi ku hayaan xorriyaddooda iyo sharaftooda dib usoo celiyaan, niyad xumo ayaa ka imaaneysa, kala qeybsanaan baa ka imaaneysa, cawaaqib xun baa ka dhalanaya”

6-dii bishan, maxkamadda gobolka Banaadir ayaa waxaa la horkeenay wasiir Janan oo la sheegay in loo haysto dilal ka dhacay gobolka Gedo.

Goobjoog News