U bood dhigaalka

Maxamuud Sayid Aadan “Shaqada Inoo Taal Waxaa Ugu Horreeya Dagaal Lala Galo Al-shabaab”

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in shaqooyin badan uu horyaallo mamulkiisa, islamarkaana ay ugu horreyso dagaallo ay la galaan Al-shabaab.

Waxa uu madaxweyne ku xigeenka sheegay in wasiir walbo oo ka mid ah Jubbaland shaqada uu hayo ay u dheeraan doonto ka shaqeynta amniga iyo la dagaalanka Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu tilmaamay in Jubbaland ay dooneyso in si siman maamulkeeda u gaaro dhammaan deegannada Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

“Waxaa inoo yaalla shaqooyin badan, shaqada inoo taalla waxaa ugu horeeya dagaal lala galo Al-shabaab, wasiir walbo oo Jubbaland ah waxaa shaqadiisa u dheer in la sugo amniga iyo Al-shabaab oo lala dagaallamo” ayuu yiri Maxamuud Sayid.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabbadii lagu dhaarinayey golaha wasiirada cusub iyo madaxweyne ku xigeennada Jubbaland.

Goobjoog News