U bood dhigaalka

Maxay AMISOM u Xireen Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada Jalalaqsi?

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyey xarigga ay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti u geysteen guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee degmadaasi.

Guddoomiyaha Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in hadda dib loo siiyey xorriyada guddoomiyaha, balse xarriggiisa uu yimid kadib is faham waa isaga iyo saraakiisha ciidanka Jabuuti.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in taliyaha ciidanka Jabuuti ee Jalalaqsi iyo sidoo kale gudoomiye ku xigeenka ay isugu dhaceen arrimo dhanka ammaanka ku saabsan, sidaasi darteed loo xiray mas’uulkaasi.

“Is faham waa ayaa jirey oo guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo taliyaha AMISOM ee Jalalaqsi ah, balse markii dambe waa la xalliyey, oo waa lasoo daayey guddoomiyaha, kaliya xerada AMISOM ayaa xabsi ahaan looga dhigay” ayuu yiri guddoomiye Fiidow.

Taliska AMISOM ee Hiiran, gaar ahaan Jalalaqsi weli kama aanu hadal falkaan ay sameeyeen.

Goobjoog News