U bood dhigaalka

Maxay Ciyaartooyda Kooxda Heegan  Ka Dhaheyn Gushii Ay Ka Gaareyn Horseed Sports Club

Sheeko:Cayaaraha

Kooxaha Horseed iyo Heegan ayaa wada ciyaaray kulamadoodii 7aad horyaalka Somalia Premier Legaue xil ciyaareedka 2018-2019.

“Waxaan luminay fursad aan hogaanka ku qaban laheyn waxaan xooga saaraynaa in aan ku dadaalno labada kulan ee inooga hartay wareega 1aad waxaa sidaas kulanka ka dib Goobjoog Sports u sheegay macalinka kooxda Horseed Cabdi Wali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon).

Labada koox oo xifaaltan adag ka dhaxeeyo waxaa qeybta 1aad lagu kala maray 1-0 oo ay hogaanka ku hayaan xidigaha kooxda ciidanka booliska ee Heegan waxaana u dhaliyay laacibka reer Uganda Igama.

Qeybta 2aad labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar ku dheehan weerar iyo weerar celis waxaana usoo daawasho tagay taliyaha ciidan xooga dalka Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) waxayna ciyaarta kusoo dhamtaay 1-0 oo ay guusha ku qaateyn ciyaartooda Heegan.

“Alx Alle ayaa mahad iska leh hamigeena waxa uu ahaa in aan guul gaarno kulankan muhiimka waan ku farax sanahay in aan soo galno kaalinta 2aad ee kala horeynta”waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay goolhayaha kooxda Heegan Mustafa Maxamed Yuusf.

                                  Maxaa Laga Bartay Kulanka
-Heegan ayaa Horseed guul ka gaartay kulamadoodii 1aad tartamada kubbadda cagta gudha 2018-2019.

-Xidigihii hore kooxda Gadiidka ee kala ah Mahad Nuur,Saadaam Cabdullahi Gaab,Farxaan maxamed Axmed iyo Ibraahim Budka ayaa kulanka iskaga horyimid ka dib markii ay kasoo dhaqaaqeyn 2018.

-Kooxda Heegan waa todobaadkii 3aad oo xariir ah oo ay guul gaarayso horyaalka Somalia Premier Legaue,iyoo iminka xaadir ku ah kalinta 2aad waxayna lee yihiin 15-dhibcood.

-Xidigaha kala ah Mahad Basey,Cali Xabad iyo Farxaan Maxamed Axmed oo ka kala tirsan labada dhinac ayaa ka mid ahaa xidigihii Soomaaliya gaarsiiyay fiinaaalka koobkii Bariga iyo Bartamaha Afrika 2018.

-Heegan wareega 1aad waxaa u haray labo kulan waxayna wajahaysaa kooxaha Dekedda iyo Gaadiidka.

-Xidigaha Horseed ayaa iska lumiyay fursad ay kula wareegi lahaayeen hogaanka horyaalka Somalia Premier League waxayna iminka u soo dhaceyn kaalinta 3aad,iyagoo leh 13-Dhibcood.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Kooxaha Heegan VS Horseed

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2546256848783130/

Maxamed Xuseen Qalinle