U bood dhigaalka

Maxay Dowladda Dhagxaan Ugu Xirtay Jidcadayaasha Muqdisho Qaarkood?

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisey ulajeedka ka dambeey in ay dhagxaan ku xirto qaar kamid ah jidcadayaasha magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Abukar Islow ayaa sheegay in taasi ay la xiriirto arrimo amni sugid ah.

Wuxuu sheegay wasiirka in shacabka Muqdisho laga doonayo iney dulqaataan muddo yar oo uu sheegay in amniga guud ee dalka waxbadan laga bedalayo.

Jidcadayaashan ayuu sheegay wasiir Islow iney istcmaaleen kooxaha dhibka ku haya amniga Muqdisho, oo ay kaga dhuunteen marista laamiga, sidaasi darteedna la doonayo in markaan gacanta lagu soo dhigo.

“Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaan dalka ka wadnay howlgallo ballaaran oo lagu xasilinayo amniga caasimadda, waxana lagu guuleystay in laga hortago falal badan oo cadowgu maleegayeen”.

“Si aan u sii xoojinayo amniga ciidanku waxay sameyn doonaan wax walba oo suuragal ah. Waxaa la xiray qaar kamid ah jidadka xaafadaha dhex-dooda mara oo horey u furnaa ujeedka loo xirayna waa in lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed. Maalin walba qaraxyada iyo dhibabka ay geystaan argagixisadu waxaan ku weynaa nafta dadkeena qiimaha badan, si taas looga baaqsado waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo amniga caasimadda lalana shaqeeya ciidamadda howlgalka ku jira”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda dedaal xooggan oo ay ku dooneyso iney ku xasiliso magaalada Muqdisho.

Goobjoog News