U bood dhigaalka

Ganacsatada Soomaaliyeed Maxay Ka Yiraahdeen Sanad Guurada Seddaxaad Ee Goobjoog News?

Sheeko:Dalka

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa Goobjoog News ugu hambalyeeyay 14-ka July oo ah maalinta la’aas aasay Idaacadda, waana Sanad guuradii Seddaxaad.

Agaasimaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Cabdi Abshir Dhoore oo u waramay Goobjoog News ayaa ku amaanay Goobjoog sida fur furnaanta ah ee bulshada ay ugu shaqeysay mudadaasi Seddaxda Sano ah.

“Waxaan marka hore Hambalyo leeyahay Idaacadda Goobjoog oo maanta Seddax Sano guuradeeda u dabaal degaysa, xaqiiqdii ma moodeen in sidaan ay ku seddax Sano jirsatay, waayo waxaan aad ula riyaaqnay mudadii ay shaqeynaysay iyo qaabka ay Idaacadda howsheeda ku socotay”

Maanta waxa ay ku beegan tahay 14-ka July 2015, Goobjoog News ayaa u dabaal degaysa Seddax Sano guuradii kasoo wareegtay Markii Idaacadda Dhidibada loo taagay.

Goobjoog News

Mar Walba u Daacad Ah Dadweynaha