U bood dhigaalka

Maxay IGAD Ka Tiri Khilaafka Iyo Xasilooni Darrida Golaha Shacabka?

Sheeko:Baarlamaanka

Urur goboleed IGAD ayaa walaac ka muujiyay xasilooni darrida siyaasadeed iyo khilaafka ka dhexjira golaha shacabka kaasi oo ay sheegeen in uu wiiqi karo horumarrada ay xukuumadda ku tillaabsatay sanadkii tagay gaar ahaan dhanka amniga, cadaaladda, kobaca dhaqaalaha iyo in bulshada hesho adeeg.

IGAD waxaa ay dowladda ku ammaantay heshiiska golaha ammaanka ee 6-10, Febaaro 2018 kaas oo la isku af-gartay isku dhafka ciidan qaran  iyada oo laga duulaya heshiiska amniga qaranka iyo horumarka laga gaaray sidii ciidamada xoogga dalka ay ammaanka kala wareegi lahaayeen AMISOM.

Ugu dambeyntii, urur goboleedka IGAD waxaa ay ka digeysaa in xasilooni-darro soo noqnoqoto, taas oo khatar ku ah howlaha ay dowladda federaalka ah qabatay sanadkii tagay, waxaa ayna halis galineysaa howlaha xasillinta. IGAD waxaa ay xukuumadda iyo baarlamanka federaalka ah ugu baaqday in ay gacmaha isku qabsadaan sidii looga tillaabi lahaa caqabada ku hor gudban hannaanka 2020 iyo heshiis amniga iyo arrimo kale.

Goobjoog News