U bood dhigaalka

Maxay Ka Dhigan Tahay in Kenya ay Soomaaliya Ka Gacan siiso Ku Biirista Ururka EAC?

Sheeko:Amniga

Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh May 15, 2022-kii, waxaa uu safarro ku tagay 5 dal oo 3 ka mid ah ku yaalaan geeska iyo bariga Afrika, taasi oo ku tusineysa ahmiyadda uu maalmulkan cusub siinayo isdhexgalka iyo isusoo dhowaanshiyaha bulshada Afrika, gaar ahaan bariga Afrika.

Safaradda uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu galay waxaa ka mid ah midkii Kenya, iyada oo labada dhinac ay 15-kii bishan kala saxiixdeen heshiis 11 qodob ah, waxaana muuqato arrimo kale oo bilaha soo socda laga wada shaqeyn doono.

Arrimaha Soomaaliya iyo Kenya ay isku afgarteen, marka laga soo tago gacansiga labada dal, furista xadka, fududeynta isu socodka, iska kaashiga amniga, waxaa kale oo ugu muhiimsanaa, nolosha dadka Soomaaliyeedna wax badan ka badali doona waa sida ay Kenya u balanqaaday ka shaqeynta in Soomaaliya ku biirto ururka bulsho weynta bariga Afrika ee The East African Community (EAC).

In Soomaaliya laga aqbalo guud ahaan bulshada bariga Afrika, gaar ahaan hellidda faa’idooyinka urur goboleedka EAC waxay horseedi doontaa horumar dhan walba ah, oo ka muhiinsan arrimaha qaadka iyo ganacsi labada dal ku kooban.

Hadda, Maxay Tahay Faa’idada Laga Helo EAC?

Dalalka ku jira EAC waa 7, oo kala ah Democratic Republic of the Congo, Burundi, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda iyo Tanzania, waxaa ku nool in ka badan 300 milyan oo muwaadin iyo dhul dhan 4.8 million square kilometres.

Waa Laga Heli Karaa: 

Mideynta Kastamyada:  Tan iyo 2005, dalalka ku jira suuqa EAC waxay lahaayeen suuq xor ah, oo badeecadaha sida ay doonaan isaga kala gooshaan, iyada oo tacriifta mid tahay dhammaan dalka, Soomaaliya haddii ay arrintaas hesho waa guul.

Suuq Mideysan: Arrintan sidoo kale ay leeyihiin ururka ay Kenya kala shaqeyneyso in Soomaaliya ay ku biirto waa suuq mid ah, taas oo ka dhigan dhaqdhaqaada xorta ah badeecooyinka, dadka, shaqada iyo shaqaalaha, xaqa ah inaad wax dhisato, xaqa degaanshiyaha, xaqa helidda adeegyada iyo xataa dhaqdhaqaaqa raasumaalka. Waxaa muwaadintiinta dalalkaasi loola dhaqmaa si isku mid ah, oo aan kala sooc laheyn

Mideynta Lacagta: Waxaa 2013-kii la saxiixay heshiis dhigaya in dalalka bariga Afrika eek u jira EAC ay lahaadaan lacag qura, taasi oo wax badan ka badali doonta noloshada dadka, Soomaalidana ay wax ka badan ka faa’idi doonto.

Federaaleynta: Arrinta kale ee safka kusoo jirta waa in ay yeeshaan federal sida aragti mideysan oo xagga siyaasadda arrimaha dibadda, amniga iyo guud ahaan arrimaha gobolka ah, taasina waa arrin kale oo muhiim ah haddii ay Soomaaliya hesho.

Afartaas faa’ido oo waaweyn waxaa ku hoos jira arrimo badan oo ay ku jiraan arrimaha beeraha, caafimaadka, warshadaha iyo horumarka, kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, dalxiiska iyo socdaalka, dhaqanka, waxbarashada, tamarta, maalgeshiga iyo guud ahaan nabadda iyo amniga, arrimaas oo dhan oo gobolka ah waa muhiim in ay Soomaaliya hesho.

Kenya waxaa ay fure u noqon kartaa in Soomaaliya ay ka mid noqoto ururkaas EAC, waayo waa dalka ugu muhiimsan kooxda, haddii ay taasi dhacdana waa tallaabo muhiim iyo guul ah oo maamulka Xasan Sheekh horseedi doono.

Goobjoog News