U bood dhigaalka

Maxay ka dhigantahay soo galintaanka Mastercard ee Suuqyada Soomaaliya ?

Sheeko:War

Marka aad taariikhda eegtid ama aad u fiirsato qaabka Soomaalidu u ganacsto oo ay u samayso fursadaha ganacsiga waad riyaaqaysaa.

Ganacasiga Soomaalidu waxuu ka mid yahay , ganacsiyada ugu taariikhda dheer qaarada Afrika iyo dunidaba. Soomalidu waxay qayb ka ahayd shabakadii ganacsi ee ugu waynayd qarniyadii dhexe ee loo yaqaanay “silkroad”oo isku xiri jirta suuqyada ganacsiga ee Afrika, Europe iyo Asia.

Dalkeeno wuxuu ka mid yahay, dalalka ugu raqiisan qaarada Afrika dhinica isgaarsiinta, wuxuuna ka hormarsan yahay dalal badan oo dowlado ka jiraan.

Haatan nidaamka lacagaha , gaar ahaan bangiyada oo ahaa wax ku yar Soomaaliya ama aanan lahayn ayaa haatan ka curtey dalka xili caqabado ay ka jiraan xawaaladihii lagu tiirsanaa.

Waxay ahay 7bilood ka hor markii Bankiga ganacsiga ee Salaam oo dalka ka furay adeegga loo yaqaano ATM (Automatic Teller Machine) ama mashiinka lacagaha lagala boxo ee sida tooska ah ugu xiran sanduuqa bangiga ee uu qofka ku leeyahay bangiga.

Waxay ahayd talaabo soo jiidatay dareenka adduunka, canaawiin waaweyna u sameysey warbaahinta adduunka.

Sheeko kale oo iyaduna si weyn usoo jiidatay warbaahinta adduunka ayaa ah in Bangiga kale ee ganacsiga ee Premier Bank uu heshiis la galay dalkana keenay shirkada maaliyadda ee Mastercard oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn dhinica isku xirka bankiyada iyo macaamiisha si ay lacaga ugala baxaan iyaga oo isticmaaliya hal kaar oo bangiyada ka wada dhaxeeya.

Waa adeeg asaasi ah oo ay leeyihiin dhamaan wadamadda adduunka, hase yeeshee Soomaaliya oo burbursanayd wax ka badan rubuc qarni waxa uu adeeggani oga dhiganyahay sidii iyada oo dayaxa la tagay.

Hadaba waxaa la’is weeydiin karaa talaabooyinkane maxay kusoo kordhinayaan suuqyada maaliyada ee dalka oo baryahan danbe aad u soo xoogaysanayay?

Waa mida koowaade waxay kor u qaadaysaa sumcada suuqa maalaaliyada dalka oo ay ugu horeeyaan bangiyada iyo xawaaladaha waxayna wadashaqayn iyo kalsooni ka hiliyaan shirkadaha maaliyadaha maamula ee dunida.

Ganacsatada Soomaalida ah waxaa u sahlanaanaysa in si sahlan oo dhanka qadka (online ah) suuqyada aduunka badeecadu uga iibsadaan.

Waa mida labaad ee waxaa meesha ka baxaysa caqabadii ahayd in Soomaalida iyo dowladda Soomaaliyeedba aysan la macaamil karin Bangiyada iyo suuqayada maaliyadaha ee dunida.

Waxaa kaloo u sahlanaanaysa shirkadaha caalamiga ah in ay maalgashadaan dalka si sahlana lacag u soo galiyaan.

Heshiiska Premium Bank uu la galay shirkadda MasterCard ayaa waxaa ka horeeyey in shirkadda MasterCard ay iska diiwaangalisey bangiga dhexe ee Soomaaliya, kana qaadatay ruqsad ganacsi oo tixraaciidu yahay # 0011. Taas waxay ka dhigantahay in Bangiga dhexe ee qaranku oo ku soo laabtay in uu fuliyo sharciyadii iyo xeerashii maaliyada ee Qaranka.

Mastercard go’aanka ay ku soo gashay Soomaaliya wuxuu qayb ka yahay dadaal shirkadu ay ugu jirto in ay ku qabsato suuqyada maaliyada ee qaarada Afrika, gaar ahaan kuwa dalalka ka hooseeya Saxaraha (sub-sahra African Countries).

Maxaa looga baahanyahay Soomaaliya si ay horey ugu sii socoto wadada ka mid noqoshada suuqyada maaliyada ee dunida?

Dal si loo maalgashado, maalgashiguna wuxuu muhiim u yahay hormarka dhaqaale ee dalka ,waxaa muhiim ah in laga helo dhawr qodob

  1. In ay dalka ka jirto daganaasho siyaasadeed maxaa yeelay dal aan la saadaalin karin waxa ka dhici kara waxay u badan tahay in aysan cidna maalgashan karin.
  2. Waa in uu dalku leeyahay kaabayaasha dhaqaalaha muhiimka u ah sida wadooyinka, dakadaha, airporda,
  3. In Dalkaasi uu leeyahay sharciga maalgashiga iyo sharciyada kale ee la dagaalanka dambiyada lagu galo dhanka maaliyadda ,

Goobjoog News