U bood dhigaalka

Maxay Ka Wada Hadleen Beesha Caalamka iyo Madaxweyneyaasha Deni iyo Madoobe

Sheeko:Amniga

Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyda Puntland Saciid Deni iyo  Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta markii ay Muqdisho yimaadeen waxaa ay kulan gaar ah la qaateen Safiirka Dowlada Maraykanka u fadhiya Soomaaliya danjire Donald Yamamoto.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale waxaa ay kulamo la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan midowga Yurub iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Kulamadan oo ka dhacay gudaha Airportiga Xamar ayaa waxaa diiradda lagu saaray arimaha doorashooyinka 2020/2021 iyadoo la isku raacay in laga wada shaqeeyo sidii Doorasho heshiis lagu yahay ay uga dhici lahayd dalka.

In beesha caalamka ay la kulmaan Deni iyo Madoobe kahor is aragooda Farmaajo ayaa keeni kara tuhunno badan iyada oo aan faahfaahin laga heyn in laga aqbalay damaanaddii ay labada nin horay u dalbadeen iyo in kale.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu wadaa in ay Farmaajo kala hadlaan doorashada 2020/2021 iyo natiijada shirkii Dhuusamareeb 3 taas oo labada nin ka biyo diideen isla markaana ay dalbadeen wax ka badal dhinacyo badan.

Goobjoog News