U bood dhigaalka

Maxay Ka Wada Hadleen Farmaajo iyo Afwerki?

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho labo maalin ah ku jooga dalka Ereteriya ayaa waxaa uu saacadihii tagay la kulmay dhiggiisa Isaias Afwerki.

Sida ay sheegeyso wakaaladda SONNA labada mas’uul waxaa ay ka wada hadlee xiriirka labada dal, arrimaha gobolka iyo iskaashi. Wakaaladdan oo u hadasha dowladda ayaan sheegin wax fahfaahin ah, sidoo kale Farmaajo sida caadada ah ma wato warfiyeen madaxbannaan.

Dhanka kale,  Goobjoog News ayaa ogaatay in Farmaajo ujeedooyinka  uu Asmaro u tagayo ay ugu muhiimsan yihiin labo arrin:

1. Inuu tababar u soo xiro ciidamo gaar ah uu horay halkaasi ugu diray kuwaas oo sida la sheegayo dhameystay arrimihii loo diray.

2. Inuu heshiis cusub oo tababarro iyo iskaashi amni la soo galo dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki.

Ciidamada inta badan loo diro dalka Eritrea waxay dad’doodu u dhaxeyaan 15-25, qaarkood waa la qasbay sida ay Goobjoog News u sheegay qaar ka tirsan waalidiinta caruurtoodu halkaasi jiraan.

Ciidamada la soo tababarayo ayaa isugu jira NISA iyo kuwoo gaar ah oo dowladdu dooneyso iney u adeegsato dano gaar ah.

Goobjoog News