U bood dhigaalka

Maxay Ka Wada Hadleen Guddoomiye Aadan Madoobe oo iyo Denjire James Swan?

Sheeko:Baarlamaanka
Ku-simaha Madaweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabaka ee baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay Amb. James Swan iyo madaxa UNDP ee Soomaaliya Jocelyn Mason.
Kulanka inta uu socday ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan arrimaha abaaraha iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay abaartu wax-yeeleysay, sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa adkeeyey sidii loo dardar gelin lahaa taageerada qaramada midoobay ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.
Kusimaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn waxa uu bogaadiyey dedaalada ay dalka kawadaan wakiiladda beesha caalamka isagoo ahmiyad gaar ah siiyey dagaalka ka dhanka ah kooxda argagxisada ah ee Al-Shabaab iyo sidii loo garab istaagi lahaa ciidanka xooga Dalka iyo dadka deegaanka ee dagaalka kula jira kooxaha nabad diidka ah.
Goobjoog News