U bood dhigaalka

Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweynaha Somaliland Iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya?

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Haile Mariam Desalegn ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo ku aadan xiriirka ka dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxaana si gaar ah loogu lafo guray dhinacyada ammaanka, ganacsiga iyo xoojinta xiriirkooda.

Biixi oo warbaahinta uga warbixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, ayaa sheegay in xoogga ay saareen adkeynta amniga deegaannada ay wadaagaan, isku socodka ganacsiyo iyo arrimo kale.

“Waxaan aaminsanahay in amniga Somaliland uu lamid yahay kan Itoobiya, kan Itoobiyahana sidoo kale uu lamid yahay kan Somaliland, waxaan ka hadalnay sidoo kale arrinta bebera iyo sidii Labada dhinac u xiijin lahayn xiriirkeenna” ayuu yiri Biixi.

Biixi ayaa booqasho ku jooga dalka Itoobiya oo deris la ah deegaannada Somaliland, sidoo kalena kala dhaxeyso wada shaqeyn wanaagsan.

Goobjoog News