U bood dhigaalka

Maxay Ka Wada Hadleen Taliska Booliska Amisom Iyo Taliska Soomaaliya?

Sheeko:Amniga

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Janaraal; Cabdi Xasan Maxamed “Xijaar” ayaa Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho waxaa uu ku qaabilay Taliyaha iyo saraakiisha Boliiska AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen labada dhinac ayaa waxa ay uga wada hadleen xoojinta wada shaqeynta labada dhinac iyo sugidda amniga doorashada Qaranka ee la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo Sannadka 2020-2021.

Taliyaha Booliska AMISOM Sareeye Guuto; Anand Pillay ayaa Ciidanka Boliiska Soomaaliya ku amaanay sida ay ugu diyaarsanyihiin waajibaadkooda, waxa uuna ballan qaaday in qeybta kaga aaddan sugidda amniga doorashooyinka ay ka qaadan doonaan.

Taliyaha Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed Janaraal ; Cabdi Xasan Maxamed ayaa saraakiisha Boliiska AMISOM uga mahad-celiyay sida wanaagsan ee ay ula sheqeeyaan Booliska Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay inay dar-dar geliyaan wadashaqeyntasi.

Goobjoog News