U bood dhigaalka

Maxay Ka Wada Hadleen Wasiir Sabriye Iyo Hoggaanka Ahlu-sunna?

Sheeko:Dalka

Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud waxaa habeenkii xalay ahaa kulan ku yeshay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye iyo hoggaanka sare ee Ahlu-sunna Waljameeca.

Waxyaabaha kulankan looga hadlay waxaa ugu horreeyey arrimaha ammaanka iyo sidii ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu-sunna ugu laaban lahaayeen xerooyinkooda, maadaama dhowaan ay magaalada soo buux dhaafiyeen.

Sidoo kale, wararka aynu helnay ayaa sheegay in laga wadahadlay arrimaha ku aaddan Labada guddi ee dowladda iyo Ahlu-sunna soo kala magacaabeen.

Ugu dambeyn, Labadan dhinac ayaa isku raacay in ciidamada lagu celiyo xerooyinkooda, sidoo kalena amniga magaalada looga dambeeyo Nabad sugidda.

Horey waxaa jiray kulamo ay u wada yeesheen wasiirka arrimaha gudaha iyo hoggaanka Ahlu-sunna, kulamadaasina wax natiijo ah kama aanay soo bixin.

Goobjoog News