U bood dhigaalka

Maxay Ka Wada Hadleen Xildhibaannada Galmudug Ku Matala Federaalka iyo Kheyre?

Sheeko:Dalka

Xildhibaannada baarlamaanka federaalka ah ee deegaan doorashadoodu tahay dowlad goboleedka Galmudug oo maalmahan kulamo wadatashi ah u joogay Cadaado ayaa xalay magaalada kula kulmay ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ninka dambe oo arbacadii gaaray halkaasi ayaa xildhibaannada kala hadlay ujeedka safarkiisa iyo kaalinta dowladda ee maamul u sameynta Galmudug.

“Kulan salaan iyo xogwaraysi arimaha Galmudug, waxa uuna ku so dhamaaday is afgarad ah in arimaha Galmudug wadatashi laga wada yeesho oo aan la isku mucaaradin si aayaha Galmudug meel wanaagsan loo geeyo” sidaasi waxaa Goobjoog News u xaqiijiyey Xildhibaan Saabir Shuuriye oo qeyb ka ahaa kulanka.

Xildhibaannada kulanka joogay waxaa ka mid ah: Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare Senator Abshir Maxamed Axmed, Xildhibaan Saabir Shuuriye, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa iyo xildhibaanno kale.

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Geelle Xaaf ayaa sheegay in la galayo doorasho ka dhici-doonta Cadaado.

Galmudug ayaa isku qaban-qaabineysa xulista baarlamaanka iyo doorashada madaxweyne, waxaana la filayaa in laga soo hormariyo weji dib-u-heshiisin, oo ay isku arkaan dhammaan beelaha deegaanka, kana tashtaan hiigsiga dad iyo maamulba.

Goobjoog News