U bood dhigaalka

Maxay ka wada hadleen xoghayaha guud ee Amniga dalka Mareekanka iyo Soomaalida dalkaasi? (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maalin ka hor waxaa dalka Mareekanka kulan xasaasi ah ku wada yeeshay Soomaalida ku nool dalka Mareekanka iyo sidoo kale xoghayaha guud ee Amniga dalkaasi, kaa oo looga hadlay arimo badan.

Kulankaan oo ahaa mid saacado badan qaatay ayaa waxyaabaha diiradda lagu saaray ka mid ahaa iskaashi dhex mara Labada dhinac iyo arimo kale.

Sadiiq Warfaa oo ka mid ahaa xubnihii la kulmay Masuulkaas ayaa u sheegay Goobjoog FM isaga oo ku sugan dalkaasi in ay ka wada hadleen iskaashi dhaxmara labada dhinac.

Arimaha ku saabsan dhibaatooyinka ay geestaan Soomaalida in aan loo aaneyn jaaliyadda oo hay’adaha amniga baaris sameeyaan.

Waxyaabaha sidoo kale diiradda lagu saaray kulankaan ayaa ka mid ah, in xilliyada dadka Soomaalida ay ka baxayaan ama ay soo galayaan dalka Mareekanka laga joojiyo dhibaatooyin uu sheegay in ay la kulmaan.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News