U bood dhigaalka

Maxay Ka Wadahadleen Ku-simaha Madaxweynaha iyo Safiirka Ingriiska?

Sheeko:Amniga
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahan Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka cusub Boqortooyada Dalka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb. Mike Nithavrianakis.
Kullanka Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo danjiraha Ingiriiska Mudane Mike Nithavrianakis oo ahaa mid isbarasho iyo kala warqaadasho ah, ayaa sidoo kale kullanka waxaa looga hadlay sidii Dowladda Ingiriiska ay kaalin muuqata uga qaadan laheyd tayaynta iyo horumarinta Golaha Shacabka BJFS,
Guddoomiyaha ayaa  xusay in dowladda Ingiriiska ay kaalin weyn ka soo qaateen dib u dhiska dalka, iyadoo wadanka ay ka fuliyeen mashaariic horumarineed, taas oo dowladda Ingriiska ay ku taageereyso Soomalaiya si markale ay dib cagaheeda ugu istaagto, waxaana ay u taageertaa dhinacyo kale duwan.
Kulanka ayaa waxay sidoo kale uga wadahadleen arrimaha ilaalinta xasiloonida dalka, iyo xoojinta ladagaalanka Al-shabaab, xilli dowladda federalka ay ku dhawaaqday in dhowaan dalka laga bilaabayo wajiga labaad dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo laga fulinayo Galbeedka Hiiraan, Galmudug iyo KG.
Goobjoog News