U bood dhigaalka

Maxay Ka Wadahadleen Ra’iisul Wasaare Kheyre Iyo Hoggaanka Ahlu-sunna?

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khayre ayaa hoyga uu ka deganyahay magaalada Dhuusameeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa uu kula kulmay Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud.

Kulankooda ayey kaga wada hadleen dhammeystirka dhismaha Galmudug loo dhanyahay iyo sidoo kale in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo dhismaha maamulka Galmudug.

Waxyaabaha ay ka wadahaleen waxaa kaloo ka mid ah, sidii loo dardargelin lahaa howlaha dhisamaha ee dowlad goboleedka Galmudug.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyey waxaana halkaas howgalo isdabajoog ah kawada Ciidanka DFS.

Goobjoog News