U bood dhigaalka

Maxay Ka Wadahadleen Ra’iisul Wasaare Kheyre Iyo Madaxweyne Erdogan?

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirro ka kala tirsan labada dowladood ayaa looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa sidoo kale kulankooda uga hadlay horumarinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, si daaha looga rogo fursado dhaqaale xooggan oo ay ka faa’iideystaan dadka Soomaaliyed.

Xasan Cali Khayre iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa Geneva u jooga ka qayb galka Madasha Qaxootiga Adduunka oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga, gaar ahaan isku dubba ridka wadaaga dhibaatada jirta iyo mas’uuliyadaha, waxbarashada, shaqada iyo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha, tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha, xalka iyo awoodda difaaca.