U bood dhigaalka

Maxay Ka Wadahadleen Ra’iisulwasaare Xamse iyo Ergayga Ilaalinta Arrimaha Rayidka?

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda dhowaan u magacaabay Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Mudane Maxamed Cabdi Waare madaxweynihii hore ee dowlad goboleeedka Hirshabeelle.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku tilmaamay Mudane Waare in uu yahay Khabiir aqoon durugsan u leh arrimaha loo magacaabay, xukuumadduna ay ku gacan siin doonto gudashada waajibaadkiisa, kadib markii dhowaan uu madaxweynaha u magacaabay Ergayga Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Ergayga in uu mudnaanta siiyo ilaalinta xuquuqda dadka rayidka ah ee ku nool goobaha laga xoreynayo argagixisada, maadaama la bilaabi doono wajiga labaad ee howlgallada dalka looga xoreynayo Khawaarijta, isla markaana uu xaqiijiyo in dadka ku sugan deegaannada la xoreeyo la gaarsiiyo adeegyada dowladda.
Goobjoog News