U bood dhigaalka

Maxay Ka Wadahadleen Wasiirka Waxbarashada DFS iyo Safiirka Shiinaha oo Maanta Muqdisho Ku Kulmay

Sheeko:Dalka

Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Wei Hongtian ayaa maanta booqday xarunta wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaa ku qaabilay Wasiirka Waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wadahadlay arrimo ku saabsan deeqaha waxbarasho ee ay Shiinuhu Soomaaliya siiyaan, safar uu wasiirku damacsan yahay inuu ku gaaro dalka Shiinaha iyo kaalinta ay Shiinuhu ka qaadan karaan dib u yegleelidda iskuulaadkii farsamada ee Soomaaliya.

Kulanku markii uu soo dhammaaday ayaa wasiirka Waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan waxa uu wareysi gaar ah  siiyay Goobjoog News waxa uuna faahfaahiyay waxa ay ka wadahadleen safiirka Shiinaha.

Wasiirku waxa uu hadalkiisa ku bilaabay in safiirku uu markii hore soo maray Wasaaradda Arrimaha Dibadda si uu ula kulmo, islamarkaana ay ka wadahadleen halka ay wax marayaan deeqihii waxbarasho ee ay Soomaaliya ugu talaggaleen:

“In uu rabo Kow; inaan is baranno, Labo; inuu na wargeliyo arrimihii deeqaha waxbarashada ku saabsanaa ee dalka Shiinaha ee ay Soomaaliya ugu deeqeen xaaladeedii meesha ay mareyso, waxay ahayd booqasho fiican, waxa uu nasoo waydiistay wasaaradda arrimaha dibadda inuu xafiiskeenna arko, annagana aan isbaranno, markaa sidaas ayuu maanta inoogu yimid.”

Waxa uu sheegay iney Shiinaha kala hadleen sidii Ardayda loo siin lahaa maaddooyinka muhiimka ah ee ay Soomaaliya sida gaarka ah ugu baahan tahay:

“Shiinaha waxay noo tahay muhiim, arrimaha ku saabsan deeqaha waxbarashada ee ay siiyaan caruurta Soomaaliyee ee dalka wax ka barata, arrintaas oo aan si fiican uga wada shaqeynno aan sii kordhinno wixii muhiim ah, aan ka fakarno maaddooyinka muhiimka u ah Soomaalida oo aan rabno in Chinese-ka si gaarka ah ay xoogga u saaraan, waxaan ka fakarno inaaney ahayn in caruur aan dirno oo kaliya ee laakiin; halkan inaan iska kaashanno sidii dugsiyada farsamada, kuwii xirfadaha aan halkan ka furno, Shiinahuna aad ayay ugu xeeldheer yihiin.”

Waxa uu tilmaamay iney ka wadahadleen qaabka ugu habboon ee uu Shiinaha ku tagi karo qorshe uu damacsan yahay inuu dalkaa ku gaaro:

“Waxaan ka wadahadlaynnay qaabkii aan ku diyaarin lahayn booqasho aan ka fakaraayo inaan ku tagno dalka Shiinaha, wakhtiga ku habboon, meelaha aan rabo inaan tago, waxyaabaha aan rabo inaan kala hadlo iyo qofka kale ee dhiggayga ah ee wasaaradda waxbarashada jooga, taasina wargelin ayuu iga siinaayay.”

 wasiirka ayaa ka hadlay kulan uu dhawaan magaalada Muqdishu kula yeeshay wasiirrada dowlad-goboleedyada dalka oo ay ka wadahadleen habkii si cadaalad ah loogu qaybsan lahaa deeqaha waxbarasho ee dalka dibaddiisa laga helo.

Goobjoog News