U bood dhigaalka

Maxay Ka Yiraahdeen Madaxda “ Mamul Goboleedyada” Arrimaha Doorashooyinka Iyo Marxaladda Kalaguurka?

Sheeko:Caalamka

Madaxda Maamul Goboleedyada ee kala ah Axmed Madoobe (Jubbaland), Cabdicasis Lafta-gareen(Koonfur galbeed), Maxamed Waare (Hirshabelle), Axmed Qoorqoor(Galmudug) iyo Saciid Cabdullahi Deni oo ah (Puntland) ayaa 11-July 2020 waxa uu shir ugu furmay magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug .

Ujeedka shirka ayaa lagu sheegay in xal looga gaarayo arrimo ay ku jirto doorashada 2020/2021, waxaana lagu wadaa in war-murtiyeedka lagu xuso in sanadkan aaney dhici karin doorasho qof iyo cod ah, loona baahan yahay in dhammaan saamileyda siyaasadda oo ay ku jiraan dowladda federaalka ah iyo xisbiyada ay ka tashtaan wadiiqo kale oo doorasho loo galo.

Halkan Ka Daawo hal arin ka simanyihiin madaxda Maamul Goboleedyada

Goobjoog News