U bood dhigaalka

Maxay Kawa Hadleen Guddoomiye Mursal iyo Madaxdii Hore Ee Dalka

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka  federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta kulan kula qaatay magalada Muqdisho madaxweynayaashii hore ee dalka madaxweyne Shariif Kheikh Axmed iyo madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Kulanka ayaa waxaa guddoomiyaha ku wehlinayey  guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim (Muudey), waxaana u jeedka kulanka labada dhinac lagu sheegay sidii looga xaajoon lahaa doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa dhowr jeer horay ula kulmay madaxdii hore ee dalka soo martay, kuwaas oo in badan aad u dhaliilsan hannaanka dowladda ay u wajahayso arrimaha doorashada, waxaana in badan ay saluug ka muujiyeen in dalka ay doorasho ka qabsoomi karto waqtigeeda ku dhacda.

Dhowaan ayey aheyd 27-kii bishaan June 2020-ka markii ay guddoomiyaha guddiga madaxbannaan Xaliimo Yareey ay hortagtay golaha shacabka iyadoo ka hor sheegtay in doorasho qof iyo cod ah aysan ka dhici karin wadanka, laakiina ay qaban doonaan doorasho Manual ah, taas oo  dhici karto bisha March 2021-ka, haddii loo baahan yahay doorasho qof iyo cod ah ay u baahan tahay muddo 13 bilood ah, arrintaas oo keentay saluug badan oo la muujiyey.

Goobjoog News