U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Aadan Madoobe iyo James Swan?

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa Muqdisho kulan kula qaatay wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay  Mr. James Swan.

Kulanka ayaa looga wada hadley dhamaystirka doorashada, oo dhowaan laga soo baxay doorashada guddoonka labada gole, waxaa la isku soo qaaday inta ka dhiman iyo sidii ay jawi xasilloon ugu soo geba gaboobi lahayd.

Wakiilka Xog-hayaya Guud ee Qaramada Midoobay ayaa dhankiisa wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar u la tahay inay Guddoomiyaha ay ka gacan siiyaan sidii howshaasi si guul ah ugu soo dhamaan lahayd.

James Swan ayaa waxa uu ku bogaadiyay magacaabista degdega ah ee guddiga qabanqaabada doorashada Madaxweynaha iyo ku dhawaaqista in la qabanayo doorashada 15-ka bisha May oo maalmo ay  naga xigaan.

Goobjoog News