U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Madaxweyne Deni iyo Ganacsatada Gobolka Mudug?

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa  kulan kula la qaatay xarunta madaxtooyada magalaada Gaalkacyo  qaar kamid ah ganacsatada gobolka Mudug ee ka soo jeeda Puntland.

Ganacsatada ayaa madaxweynaha la wadaagay warbixin ,waxay uga mahadceliyeen Madaxweynaha isbedelka waqtiyadii dambe laga samaynayey gobolka, maada lasoo afjaray colaad muddo sdheer ka taageyn Mudug.

Madaxweynaha  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey kaalinta ay ganacsatada Gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland ay kaga jiraan dowladdnimada, wuxuuna kula dardaarmay inay sii horumariyaan doorkooda.

Kulanka waxaa Madaweynaha kala qeybgalay xubno ka mid ah ganacsatada ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo maalmihii tagay madaxweynuhu uu safar ku marayey deegaammada gobolka,kuwaas oo ugu kuurgalayey xaaladaha.

Goobjoog News