U bood dhigaalka

Maxay Kenya Xiriirka Ugu Jartay DFS?

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa xiriirkii u jartay dowladda federaalka Soomaaliya, taasi oo hadal hayn badan dhalisay.

Waxa ay dowladda Kenya u yeertay safiirkeedii u joogay Muqdisho, iyada oo sidoo kale iska soo erisay safiirkii Soomaaliya ee Nairobi fadhiyey.

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa arrintan ku sheegtay cabasho ku aaddan shidaalka Soomaaliya.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo saxaafadda kula hadlay magaalada Nairobi wuxuu sheegay in Soomaaliya ay xaraasheyso xirmooyin shidaal ah, kuna xad-gudubtay kheyraadka dalkooda, taasi oo uu kala jeedo muranka dhanka badda ah ee Kenya iyo Soomaaliya.

Kenya oo isku dayeeysa iney boobto qeyb ka mid ah badda Soomaaliya ayaa hadana waxa ay weli kusii adkeysaneysaa in meelaha la baarayo dhulkeeda tahay.

Dowladda Federaalka Maxay Ka Tiri Arrintan?

Dowladda federaalka Soomaaliya weli wax war ah oo arrintan ku saabsan lagama hayo, waxaana inoo suurtagelin illaa iyo hadda inaan helno xubno mid ah ah dowladda si aan wax uga weydiinno.

Waxaa la filayaa in dowladda ay arrintan ka hadasho xilliyada ina soo aaddan.

Hadalhaynta bulshada  

Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad u hadal haya arrintan, waxayna qaarkood is weydiiyeen waxa xilligan ay Kenya u hayso Soomaaliya.

Dadka qaar ayaa soo jeediyey in dowladda qudheeda ay ku dhowaaqdo iney xiriirka u jartay Kenya, islamarkaana dalka ay ciidankeeda kala baxdo.

Inkastoo xiriirka siyaasadeed uu yahay waxa go’ay hadana Labadan dowladood waxaa isaga xiran dano badan, Kenya qudheeda Soomaaliya waxa ay ku qabtaa dan aad u weyn, waxaana kaga xiran ganacsi badan.

Goobjoog News