U bood dhigaalka

Maxay ku kala Baxeen Kooxaha Kubbadd Cagta Gaadiidka Iyo L.L.P Jeenyo

Sheeko:Cayaaraha

Kooxaha kubbadda cagta Gaadiidka iyo L.L.P Jeenyo ayaa wada ciyaaray kulamadoodii 7-aad horyaalka Somalia Premier League kol ciyaareedka 2018-2019.

Labada koox kulanka waxa uu ahaa mid  muhiim u ah waxaana qeybta 1-aad lagu kala nastay 2-1 oo ay hogaanka ku hayaan xidigaha L.L.P Jeenyo waxaana goolasha u dhaliyay xidigaha kala ah Deeq Cabdiraxmaan Macalin Taree iyo Ismaaciil Suleymaan oo ka mid ahaa xidigii wacdaraha ka dhigay koobkii Bariga iyo Bartamaha Afrika 2018 ee ka dhacay dalka Burundi.

Inta aan la aadan nasiinada Gaadiidka waxaa gool xirfadaysan u dhaliyay Amiin Axmed Saalax oo laacib kasoo jeeda wadanka Yeman,isagoo goolkiisii ugu horeeyay u dhaliyay kooxdiisa Gaadiidka tan iyo markii uu kusoo biiray 19-Febraayo 2019.

“Waxaan ciyaaray kulan aan aniga wanaagsaneyn,balse tani waxa ay ka mid tahay kubbadda cagta waxaan waqti ku bixinaynaa in aan kasoo kabano guul darooyinka ina soo gaaray waxaa Goobjoog Sports ugu waramay tababaraha kooxda Jeenyo Xasan Cali Rooble (Ba’baay).

Qeybta labaad dheesha kooxda Gaadiid ayaa soo bar bareesay goolka lagu lahaa waxaana ciyaarta 2-2 ka dhaliyay laacib Rooraaye daqiiqado ka dib kubbadd uu si wanaagsan ugu shaqeeyay xidiga reer Yeman Amiin Axmed waxaa gool u badalay Maxamed Nuur Cabdi (Shaarkey) uu horay ugu ciyaaray kooxaha Dekedda,Elman,Saxafi,Horseed iyo L.L.P Jeenyo.

Dhamaadka kulanka gool ku laad loo dhigay Gaadiidka waxaa u ansixiyay Daadir Salaad Cawaale (Daadir Cama) waxayna ciyaarta kusoo dhamaatay 4-2 oo ay guusha ku qaateyn xidigaha Otebaarka ee Gaadiidka.

“Waan ku faraxsanahay guushan muhiimka ah waxa ay nagu dhiiri gelinaysaa kulamado ee kale ee inagu soo wajahan todobaadyada soo aadan horyaalka oo iminka maray meel Xasaasi waxaan diiradda saaraynaa in aan ku xisaabtano ciyaaraha kale ee inagu soo food leh”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Maxamed Nuur Shaarkey