U bood dhigaalka

Maxay Puntland Ka Tiri Qaraxii Gaalkacyo?

Sheeko:Amniga

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Puntland ayaa ka hadashay qarax xalay ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Maxamed C/raxmaan Dhabancad, wasiirka wasaaraddan ayaa sheegay iney aad uga xunyihiin qaraxn, islamarkaana wuxuu katacsiyeeyay dadkii dhintay, isaga oo caafimaad u baryey kuwa dhaawaca ah.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaana lagu dhuftay gaari kale oo yaalla banaanka Hotelka Five Star oo ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo uu kamid yahay taliyaha ciidanka dhulka.

Waxaa qaraxan ku dhintay ku dhowaad 10 qof, iyadoo dhaawucuna intaasi ka badan yahay, waxaana xaaladda Gaalkacyo haatan tahay mid deggan.

Goobjoog News