U bood dhigaalka

Maxay Qabataa Akadeemiyadda Afka Soomaaliga?

Sheeko:Dalka

Dhaqan walba oo dunida ah waxaa uu leeyahay dhaqan dhowrayaal ilaaliya jiritaanka dhaqankaasi, iyada oo laga ilaalinayo in uu doorsoomo ama uu is badalo .

Akadeemiyadda dhaqanka waa gundhigga dhowrista dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana la aas-aasay sanadkii 1975-kii  waxaana lahaa fikirka Akadeemiyadda guddigii hirgelinta afka Soomaaliga .

Sanadkii 1979-kii waxaa la ballaariyey magacii Akadeemiyadda dhaqanka waxaana loo bixiyey Akadeemiyadda Cilmiga Fanka iyo Suugaanta, saldhig ay ku shaqeysana waxaa looga dhigay meesha ay hadda ku taallo .

Haddaba maxay tahay shaqooyinka ay qabato Akadeemiyadda Cilmiga Fanka iyo Suugaanta Cbadulqaadir Nuur Xuseen Maax oo ah guddoomiyaha Akadeemiyadda Cilmiga Fanka ayaa ka jawaabaya waxaa uuna yiri.

“Waxay qabtaa dhowrista hiddaha iyo dhaqanka ay umaddaan ay leedahay, wax walba oo umadda dhaqan u ah Akadeemiyadda mas’uul ay ka tahay, wax yaabaha kale ee Akadeemiyadda ay mas’uul ka tahay waxaa ka mid ah waxyaanaha la yiraahdo dhegal baarka oo ah taariikhda dhulka ku duugan”.

In Soomaaliya ay hesho far u gaar ah waxaa ay aheyd arrin soo martay marxalado kala duwan in la helo far waxa ay ka soo bilaabatay bilowgii 1920-kii,iyada oo xilligaas ay dadka xoogga saarayeen helitaanka far ay isku sir wareystaan si uusan gumeystaha  ula socon dhaqdhaqaaqooda.

Cabdulqaadir Maxamed Cali waa agaasimaha waaxda horumarinta Afka Soomaaliga waxaa uu ka hadlayaa helidda farta Soomaaliga waxaa uuna yiri.

“Waxaa la qaatay farta Laatiinka oo taageerayaal badan heshay, waxaana qabtay barnaamijkaas guddigii hirgalinta Afka Soomaaliga”.

Goobjoog News